25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Faah-faahin qarax miino oo maanta ka dhacay duleedka Tukaraq iyo khasaarihiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in duleedka degmada Tukaraq ee Gobolka Sanaag uu ka dhacay qarax miino oo waxyeelo geystay.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro dhaawac ka dhashay qaraxa oo soo gaaray afar Caruur ah oo wada socday, kuwaasi oo ay kula kacday miinadu duleedka degmada Tukaraq.

Caruurtan ay haleeshay miinadu ayaa waxa la geeyay Cisbitaal ku yaala magaalada Laascaanood oo lagu magacaabo Manhal, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama ay soo saarin Maamulka G/Sool iyo laamaha amniguba, Caruurtan ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa miino.

Si kastaba, Ciimadamada Somaliland iyo Puntland, ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku dagaalamayey degmada Tukaraq, taasi oo la filayo in miinadan ku qaraxday 4-tan Caruur ah ay duleedka degmada ku aasen ciidamada labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

- Advertisement -

Read more

Local News