Yuusuf Garaad oo faallo ka qoray gefafka Itoobiya

Wasiirkii arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa warbixin kooban kaga hadlay gefka markii labaad dowladda Ethiopia ku kacday, kadib markii Puntland iyo Somaliland ay u aqoonsadeen dalal ka madax banaan Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay jawaab cad ka bixiso, gefka markii labaad ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa SIdan:-

Ethiopia Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda ayaa mar kale u geftay Soomaaliya.

Dalkeenna ayay Saddex u qeybisay. Dalalka ay ku leedahay Wakiillo Diblomaasiyadeed ayay ku dartay Puntland iyo Somaliland.

Eeg lifaaqa, dalalka ay Qunsuliyadaha Guud ku leedahay magaca dalka ayaa ku qoran Taxa dalalka, laakiin Soomaaliya Muqdisho uun ayay matashaa, taxa dalalka waxaa kula jira Puntland iyo Somaliland.

Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay Soomaaliya.

Haddana waa gef labaad oo isla usbuuc gudihiis ah. Dowladda iyada ayay waajib ku tahay in ay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda.

Gefkii barta internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia markii ay daabacday Soomaaliya, oo marka laga reebo Somaliland lagu daray Ethiopia, ayaa dad is yiri khafiifiya.

Waxay yiraahdeen labada Congo waa la isku daray. Sida kale labada Sudan.

Waxaa xusuusin mudan in labada Congo ay Congo wada ahaayeen, sidoo kale labada Sudan, oo khariidaddu ay sidaa ahaan jirtay.

Laakiin annagu goormaan Ethiopia isku dal ahaan jirnay oo khariidaddu ay sax ahayd? Lama sheegin cidda khariidadda sameysay iyo sababta.

Dowladdeennu ha noo hadasho oo ha gudato waajibkeeda.

Wax laga aammuso iyo wax kale ayaa kala jira.