Ahlu Sunna oo aqbashay in amniga Dhuusamareeb lagu wareejiyo ciidamada Dowladda iyo doorashada oo..

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxda ugu sareyso Ahlu Sunna Wal Jameeca iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wadahadalo badan kadib ka heshiiyey qodobadii uu muranka ka taagnaa.

Ra;isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa labaduba ka dhawaajiyey in Ciidamada Amniga wixi Berri ka dambeeyo ay la wareeegayaan Amniga Dhuusamareb.

Ra’isulwasaaraha oo khudbad ka jeedinayey Munaasabada 1-da Luulyo ee 59-sano guurada ka soo wareegatay markii Gobolada Koofureed Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo is raacii waqooyi iyo Koofur ayaa sheegay in Dhuusamareb ay u furan tahay gogoshada dib u heshiisiinta ayna ka dhici doonto Doorashada Galmudug.

Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in Berri wixii ka dambeeyo ay Amniga Dhuusamareeb la wareegayaan Hey’addaha Amniga dowladda Federaalka.

“”Hay’adaha Amniga Dowladda Federalka ah waa in laga bilaabo beri u diyaar garoobaan sugida Amniga Caasimadda Galmudug, Ciidama Ahlusuna ee aan ognahay kana dharagsanahay Juhdigii aay galiyeen nabadda ka jirta deegaanadaan, waa ineey u diyaar garoobaan laga bilaabo bari in la qarameeyo oo tababar loo furo” Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhinaca kale Sheekh Shaakir oo ka mid ah Madaxda Ahlusuna ayaa dhankiisa aqbalay in hey’addaha Amniga dowladda Federaalka ay la wareegaan amniga magaalada Dhuusamareeb.

Labada qodob oo ay Caawa si wadajir ah uga dhawaajiyeen Ra’isulwasaare Kheyre iyo Shiikh Shaakir ayaa ahaa labadii qodob ee ugu adkaa wadahadalada Dowladda iyo Ahlu Sunna.

Labadaas qodob oo kala ahaa inay Ahlu Sunna dowladda ku wareejiso Amniga Dhuusamareeb iyo in doorashada ka dhacdo Magaaladaas ayaa ugu dambeyntii heshiis laga gaaray  kaddib wada hadalo aan kala joogsi laheyd oo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha kula jireen Madaxda Ahlusuna.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com