Sawirro: Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka dhabeeyey go’aankiisii GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa ka dhabeeyey go’aankiisii ahaa in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulka Galmudug lagu qabanayo magaalada Duusamareeb xarunta gobolka Galgaduud.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Sawirrada halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo dhawaan la qabanayo.

Shirkaasi ayaa ka dhici doono goob gaar ah oo loo diyaariyey, islamarkaana ay si wadajir uga qeyb qaateen Madaxda Galmudug iyo Ganacsatada maamulkaasi.

Wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadd Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa booqday halkaasi, isaga oo u mahadceliyay dhinacyadii isku howlay.

“Waxaan kormeeray xarunta Shiirkole oo ah goobta loo diyaariyey in lagu qabto shirka Dib-U-Hshiisiinta bulshada reer Galmudug ee ka furmi doona Dhuusamareeb. Waxaa ka socda diyaar garow balaaran oo dhinacyo badan leh,Maamulka Galmudug iyo ganacsatadii diyaarisay waxaan leeyahay waajib qaran ayaad gudateen” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Faarax wehliye.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo weli Odayaasha Cadaado ay ka biyo diidan yihiin in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada lagu qabto magaalada Dhuusamareeb.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horay u iclaamiyey in gogasha shirkan iyo doorashaduba lagu qabanayo halkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com