Qarax xoogan oo ka dhacay shirkad ku taalla Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)  – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhex dhacay laanta shirkadda isgaarsiinta Somtel ay ku leedahay isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay 2 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Labada Qof ee geeriyootay mid ka mid ah wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Somtel, halka ruuxa kale uu ahaa mid aan shirkadda ka tirsaneyn oo goobta ka ag dhowaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay kaabiga ku heyso xarun ciidamada ammaanka ay ku baaraan gaadiidka aada dhanka Cirtoogte.

Qaraxan ayaa imanaya maalin kadib markii Caasimada Online ay shaacisay in kooxda Daacish ay u hanjabtay shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Dahabshiil.

Somtel ayaa waxaa leh Dahabshiil, hase yeeshee ma cadda in qaraxan uu daba socda hanjabaadda Daacish iyo in kale.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya iyo maamulka Somtel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com