26.2 C
Mogadishu
Tuesday, November 11, 2025

Sawirro: Somalia iyo Kenya oo wada-hadallo lama filaan ah ku yeeshay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta wada-hadallo lama filaan ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, xilli uu aad u xun yahay xiriirka labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya Jeneraal howl-gab ah, Lucas Tumbo.

Qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay iskaashi dhex-mara labada waddan iyo in la xoojiyo xiriirka.

“Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si loo adkeeyo qoto dheerida xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh oo soo taxanaa muddo aad u fog.” Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibdda Soomaaliya.

Lama shacain wax faah-faahinno ah oo intaas dheer oo ku saabsan kulankan sida lama filaan ah ku yimid.

Kulankan ayaa imanaya ayada oo labada waddan xiisad culus ay ka dhaxeyso, taasi oo ku saabsan badda Soomaaliya ee Kenya ay dooneyso inay xoogga ku qaadato.

Dowladda Kenya ayaa bilihii dhowaa qaadday tallaabooyin dhowr ah oo ay cadaadis ku saareyso Soomaaliya, si ay uga laabato kiiska horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, hase yeeshee Soomaaliya ayaa ku jawaabtay siyaasad ku dhisan degenaan iyo inaan lala ficiltamin Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News