Sawirro: Banaanbaxyo ka dhan ah DF Soomaaliya oo maanta ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Dibadbax xoog leh ayaa maanta oo Arbaco ahayd ka dhacay Magalaada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ka dhan ahaay dowladda federaalka Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo abaabulay Madaxtooyada Jubbaland, waxana ka qeyb galay qaar ka mid ah ururada Bulshada rayidka ee magalada Kismaayo, kuwaas oo ku baaqayay inay dowladda Federaalka faragelinta ka joojiso doorashada maamulka Jubbaland.

Dadka bananaanbaxa dhigayay oo u badnaa Haween ayaa watay boorar lagu soo qoray “Waxaan diidnay in la farageliyo doorashada Jubbaland dal iyo dibadba,” .

Dibadbaxayaasha oo warbaahinta la hadlayna waxey Odayaasha iyo Siyaasiyiinta reer Jubbaland ka dalbadeen in la dhowro ilaalinta nabad galyada iyo xasiloonida deegaannada maamulka Jubbaland.

Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa  ayaa waxaa dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland, waxaana Axmed Madoobe oo markii saddexaad xilkaasi u taratamaya uu wadaa qorsho uu markale ku guuleysan karo, isaga oo iska difaacaya culeys siyaasadeed oo uga imaanaya Dowladda Federaalka iyo musharixiinta kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com