29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Mowqifka Abiy Ahmed ee ku aadan dib u doorashada madaxweyne A/Madoobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa gacan ka gaysanaysa sidii meesha looga saari lahaa madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Maamulka ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa taageerada kala noqday Axmed Madoobe, islamarkaana doonaya inuu meesha ka baxo, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi.

Itoobiya ayaa la sheegay inaysan dooneyn in hoggaamiye kooxeed dambe uu jago saameyn leh kasii hayo Soomaaliya.

Itoobiya oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Farmaajo ayaa ku caawineysa in ay meesha ka baxaan madaxda maamul goboleedyada uusan rabin madaxweynaha.

Horrey ayaa dowladda waxay ugu guuleysatay inay meesha ka saarto madaxweynayaashii Koonfur Galbeed, iyo Galmudug, halka HirShabelle ay heshiis la gashay.

Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa dhaceysa 21-ka bishan August, hase yeeshee illaa iyo hadda ma muuqdaan astaamo muujinaya in Axmed Madoobe uusan soo noqon doonin.

Halkaan ka daawo ciidamo tiro badan oo weerar ku ah Kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News