Muqdisho (Caasimadda Online) – kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayay Sidii Dib-u-heshiisiin dhab ah looga hergalin lahaa Deegaanada Colaadaha ay saameeyeen ee Hirshabelle iyo Furitaanka Tababar la Xiriira Nabadeynta Waxaana Daah-furay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta Cabdikarin Nur Waxaana goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka kala Socotay Hay’adda Berghof iyo IOM .
ka qeybgalayaasha kulankan oo ku Mideysan Shabakadda Nabadeynta Hirshabelle ayaa ka kala yimid Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan waana matalayaal dadka deegaanadaas ay u arkeen in doormuuqda ay ka qaadan karaan in ay ka hergasho Deegaanada Colaadda ay ka oogantahay ee hirshabelle sida uu furitaanka shirka ka sheegay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta Cabdikarin Nuur.
” Dadkaan meeshaan isugu imaaday waa dadkii igala shaqeyn lahaa nabadda iyo xasiloonida, waa 46 qof oo u bada dhallinyaro diyaar u ah in nabadda lasoo dabaalo” ayuu yiri wasiirka.
46 Qof Rag iyo Dumar isugu jira ayay ka koobantahay Shabakadda Nabadeynta Hirshabelle Waxaana Xubnaha qeybta ka ah Daladdan ay Rajo ka qabaan in ay ku guuleystaan in nabad waarta ay ku soo dabaalaan guud ahaan deegaanada hirshabelle maadaama loo tababaray Arimaha la xiriira ka qeybqaadashada Nabadeynta Deegaanada Colaada ay ka jirto
Dadaalada nabadeynta ah ayaa laga bilaabi doonaa deegaano hoos yimaada Degmada Cadale oo dagaal u dhexeeya maleeshiyo qaab qabiil u abaabulnaa ku dhexmaray iyo deegaano ka tirsan gobalka hiiraan oo Dagaallo galaaftay nolosha tobanaan qof ku dhexmaray dad awood wadaag ah oo halkaas wada daga .
Colaadaha , iyo xaaladaha qalafsan ee ka taagan deegaano ka tirsan hirshabelle oo dabadheeraadey ayaa waxay sababeen in uu hoos u dhaco wax soosaarka xagga beeraha ah iyo in ay Xoola dhaqato ku Nooleed Deegaanadaas ay ka barakacaan Halkii ay deegaansan jireen.