26 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Siminaar habka loo duubo Documentary-ga oo lagu soo gabagabeeyay Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Somali Journalists Syndicate – SJS iyo Machadka Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa galabta oo ah Khamiis 08/08/2019 soo gabagabeeyay tababar lagu baranayey habka sameynta iyo tifaftirka dukumintariga (Documentary Video Story Telling) oo muddo labo toddobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay ka faa’ideysteen in ka badan 20 suxufi ayaa intuu socday, waxaa si qoto dheer oo shaqo iyo fasal ah loogu baranayey hannaanka soo-saaridda filimka oo ka bilaabata sameynta fikirka illaa duubista iyo naqshadeynta filim dhameystiran oo hab casri ah loo sameeyo.

Ustaad Cabdulqaadir Xaaji Xasan Zubeyr oo tababarkan macallin ka ahaa ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in wariyaashii ka faa’ideystay tababarkan ay wax badan ku kordhin doonaan xirfadooda xagga filimka iyo guud ahaan mihnadda saxaafadda Soomaaliya hadda ka jirta.

“Waan hubaa in wax weyn ay ku kordhin doonaan goobahooda shaqada marka ay ku laabtaan suxufiyiinta tababarkan ka faa’ideystay. Muddaddii duruustu socotay waxay ahayd muddo mashquul badan oo waxbarasho iyo shaqo ficil ah la iskuu waday,” ayuu yiri Ustaad Zubeyr.

Guuleed Salaad Qaareey, oo ah hormuudka ururka hawlwadeennada Kaamiradda iyo Asma Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa wariyaasha ka qeybgalay tababarkan, ayaa u mahadceliyay Somali Journalists Syndicate – SJS iyo Akaadiimiyadda SODMA oo si wadajir ah u fuliyay hawsha tababarkan.

Agaasimaha Machadka SODMA, Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan (Bukhaari) oo xiritaanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay ahmiyadda ay u leedahay saxafiyiinta inay had iyo jeer aqoontooda kordhiyaan si ay ula tartamaan suxufiyiinta kale ee dunida.

“Waxbarasho kaliya ma ahayn, ee halkaan waxaad kaloo ka qaadaneysaan sixitaan lagu saxayo wixii khaladaad ah ee horey u dhici jiray, waxay ahayd is dhexgal iyo is-barasho,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mr. Bukhaari ayaa sidoo kale sheegay in Akaadiimiyadda SODMA ay sii wadi doonta kor- u qaadista aqoonta saxafiiyiinta Soomssliyeed.

Xoghayaha Guud Somali Journalists Syndicate – SJS Abdalle Ahmed Mumin oo tababarka soo xiray ayaa bogaadiyay Akaadiimayadda SODMA iyo macallimiinta dedaalkii dheeraa ee ay bixiyeen muddadii uu socday tababarkan. Wuxuuna sheegay in Ururka SJS uu u taagan yahay kor u qaadista aqoonta suxufiyiinta, u doodista xuquuqdooda iyo ka caawinta waxkasta oo ku saabsan horumarinta mihnadda saxaafadda.

“Ururka SJS wuxuu qorsheynayaa dhowaan tababaro kale oo ka tarjumaya baahida suxufiyiinta- haddey yihiin suxufiyiinta xubnaha naga ah iyo kuwa kalaba. Way naga go’an tahay horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mudane Mumin. Xoghaye Mumin iyo Agaasimaha SODMA Cabdiraxmaan Bukhaari ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay dhammaan ka qeybgalayaasha tababarkan.

Sidoo kale waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay macallinka tababarka Ustaad Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Zubeyr) iyo Akaadiimiyadda SODMA.

- Advertisement -

Read more

Local News