Dowladda Soomaaliya oo maanta hub iyo ciidamo kale geysay Dhuusomareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka saddex diyaarad oo sida hub, baabuurta aan xabadda karin iyo ciidan ka dajisay garoonka Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo ah kuwa dheeraad ah ayaa ku biiri doono kuwa kale oo ka tirsan dowladda oo ku sugan gudaha magaaladaasi.

Dowladda federaalka ayaa xoojisay dhaq dhaqaaqyada ay ka wado Dhuusamareeb, kadib heshiiskii ay la gashay Ahlu-Sunna.

Maalin ka hor ayey aheyd markii labo diyaaradood oo siday ciidamo la geeyey halkaas, kuwaas oo la wareegay dhammaan xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi.

Ahlu Sunna ayaa horay uga digtay dhaq dhaqaaqyadan oo ay sheegtay inay ka baxsan yihiin heshiiskii ay la gashay dowladda dhexe.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan la filayo in la qabto shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo doorashada maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com