Xog: 42 qof oo isku beel ah, oo gobolka Banaadir laga shaqaaleeyey bil gudaheed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenada maamulka gobalka Banaadir iyo saraakiil kale oo katirsan dowladda hoose ayaa guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Finish” u gudbiyay liiska dad gaaraya 42 qof, oo ka soo jeeda hal beel, kuwaas oo la shaqaaleysiiyay kadib geeridii Allah ha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Eng Yariisow.

Dadkaan gaaraya 42-ka qof, ayaa qayb ka ah 59 qof oo gobalka Banaadir laga shaqaaleysiiyay markii uu geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow kowdii August, waxaana shaqaaleysiiyay siiyaha xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir mudane Ibraahim Dheere.

Guddoomiye ku xigeenada ayaa Cumar Finish u sheegay in dadka ugu badan ee la shaqaaleysiiyay halkii sano ee ugu dambeysay ay dhamaantood ka soo jeedaan hal beel ah oo ah beesha Ibraahim Dheere.

Dadkan ayaa badankood laga keenay xafiisyada ra’iisul wasaaraha, Mustaf Dhuxulow, Senator Dheg-Dheer iyo guddoomiye ku-xigeenkii hore ee maaliyadda gobalka Banaadir, halka ilaa hadda inta badan ay dadkaasi ka socdaan xafiisyada aan soo sheegnay.

Caasimada Online ayaa ogaatay in 5-tii qof ee ka tirsan shaqaalaha cusub ee gobalka banaadir 3-kamid ah ay yihiin hal beel,  halka inta kalane ay yihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta la kulmay Cumar Finish, ayaa ka dalbaday in uu saxo habka shaqaaleysiinta dowladda hoose ee gobalka Banaadir islamarkaana uu wax ka qabto dadkii ugu dambeeyay ee laga qoray xafiiska gobalka Banaadir.

Isbar-bar yaac iyo kala-dambeyn la’aan xoog leh ayaa ka jirta dowladda hoose ee gobalka Banaadir iyadoo inta ugu badan dadkii la qoray ay la’yihiin shaqo ay qabtaan iyo xafiis ay fariistaan ama ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in xilal aan sax aheyn lagu bixiyo mushaar fiican si qofka kamid noqonaya shaqaalaha gobalka Banaadir islamarkaana ay wataan madaxda sare loogu qoro mushaar ka roon midka shaqaalaha kale ee dowladda hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com