La-taliyihii Donald Trump oo u ololeynaya Somalia, si uu u caawiyo saaxiibkiis Farmaajo

Washington DC (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Michael Caputo, oo ah xeelad yahan Jamhuuri ah, ayaa sameystay shirkad u ololeysa dalalka shisheeye, waxaan kalyantigiisa koowaad noqday Soomaaliya.

Cabuto, oo aad ugu dhow saaxiibna la ah madaxweyne Donald Trump, ayaa matli doona Soomaaliya, isaga oo danaheeda ka gadi doona maamulka madaxweynaha.

Waa shaqadii ugu horreysay ee loobinimo ama u ololeeye dal shisheeye oo uu qabto Caputo, oo xisbiga Jamhuuriga Mareykanka aad looga ixtiraamo.

Waxa uu matali doonaa safaaradda Soomaaliya ee Washington DC, waxaana inuu shaqadan helo ka caawiyey xiriirka muddada fog kala dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xiriirka Caputo iyo Farmaajo ayaa kasoo billaabmay magaalada Buffalo ee gobolka New York, markaasi oo madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb-gali jiray siyaasadda deegaanka ee xisbiga Jamhuuriga. Caputo ayaa sidoo kale sanado badan oo noloshiisa ka mid ah kusoo qaatay Buffalo.

“Sharaf weyn ayey ii tahay inaan shaqadan qabanayo” ayuu yiri Caputi oo ka hadlayey shaqada ay dowladda Soomaaliya u magacowday. “Waxaan dareemayaa inay waajib igu tahay inaan qabto”

Caputo ayaa aaminsan in Mareykanka uu wax badan ka caawin kara in xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya. Waxa uu sheegay in isaga iyo Trump ay isku si u arkaan waxa u wanaagsan Soomaaliya.

“Waa wax na caawinaya inuu xiriir wanaagsan la leeyahay maamulka [Trump]” waxaa sidaas yiri safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, oo uu soo xigtay wargeyska Buffalo News. “Waxaan sidoo kale rumeysannahay inuu nala xalin karo arrimo badan” ayuu yiri safiirka.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad kala-guur oo xasaasi ah” ayuu yiri Danjire Abuukar, “Mareykanka waa saaxiib muhiim ah, gaar ahaan dhinaca amniga.”

Daniraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay raadineyso in gacan laga siiyo sidii looga caafin lahaa daymaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u qalmaan nolol la mid ah taan ku haysanno halkan Mareykanka” ayuu yiri Caputo.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com