Cabdikariin Guuleed oo war kasoo saaray xiisada DF Soomaaliya iyo Ahlu Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka  Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuuseen Guuleed ayaa si kulul uga hadlay xiisada u dhexeysa Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay VOA-da ayaa walaac ka muujiyey ciidanka la geeyey magaaladaasi, wuxuu xusay inuu ka cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo hakaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan Galmudug ay ku socoto fashil iyo burbur, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda dhexe waxaa u soo jeedinayaa arrintaas inay wanaag iyo wada hadal ku maareyso, caqliga inuu taliyo, waxaa ka cabsi qabnaa inuu yimaado dagaal iyo fadqalo”ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug.

Guuleed oo sii hadlaya ayaa yiri “Ciidamada laga soo daabulayo gobolka ay Muqdisho u baahneyd in ammaankeeda lagu sugo, uma maleyn maayo maslaxad inay keeneyso, Galmudug ciidan uma baahno, qori uma baahno, waxay u baahan tahay caqli iyo maskax.”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna uu shaaciyey inuu bur-buray heshiiskii ay la galeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ahlu Sunna ayaa ku eedeysay dowladda dhexe inay ka baxday heshiiskaasi, waxaana ay ku dhawaaqday dagaal ay sheegtay inay isku difaaceyso.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com