26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Jeneral Zakiya oo war kasoo saartay xariga Janan iyo arrin xasaasi oo loo haysto

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa xaqiijisay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay shalay xireen Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland.

Taliyaha Ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Generaal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Wasiir janan uu yahay eedaysane isla markaana Boolisku baaritaan ku haayo kiisa loo haysto Wasiirka Amniga Gudaha Jubaland Cabdirashiid Janan.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska” ayay tiri Zakiya Xuseen Axmed.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Kiiska loo heysto C/rashiid Janan ay haatan baarayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa shalay waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ku Xiray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya Xili safar u ahaa Dalka Itoobiya.

C/rashiid Janan ayaa horay Xeer Ilaalinta u jartay ruqsad xarig ah, inkastoo warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir bishii April lagu buriyay amarkii soo qabashada iyo horkeenid Maxkamadeed ee ka yaallay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News