JUBALAND oo war ka soo saartay xariga JANAN shaacisay arrin walaacisay

Kismaayo (Caasimadda Online) – Guddiga Amniga Jubbaland ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xariggii Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, kaasoo shalay Ciidamada Booliska ay ku xireen Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday Addis Ababa.

Shirkaasi kadib War-Saxaafadeed laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay walaac weyn ka qabto Nolasha, Ammaanka iyo badqabka Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay cid kasta oo ku lug leh xarigaas inay si deg deg ah xurriyadiisa u siiyaan Wasiirka, waxaana Hay’adaha Garsoorka Dowladda & Jubbaland laga codsaday inay soo farageliyaan.

Waxa ay sheegeen Guddiga Amniga Jubbaland sidoo kale inay ka digayaan cawaaqib xumo ka dhalata xarigga Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wasiirka amniga Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa Wasiirka Amniga Jubbaland uu ku eedeysay in uu geystay falal ka dhan ah Bani’aadanimada, isla markaana uu galay dambiyo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com