Xildhibaanada mucaaradka oo la kulmay Kheyre iyo wixii ay kala hadleen + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada mucaaradka ah ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto Galmudug ayaa maanta la kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, kaasi oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida uu shaaca ka qaaday xildhibaan Axmed Macallin Fiqi.

Xubnaha Kheyre la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed Macallin Fiqi, Cabdullaahi Sambaloolshe, Mahad Salaad, Saadaq Macalin Cabdi Kariim, Cabdiraxmaan Odowaa, Saabir Shuuriye, iyo xildhibaano kale.

“Kulan muhiim ah oo ka dhacay xafiiskiisa Raysulwasaaraha xukuumadda Xasan Khayre, oo nagu wehliyey musharaxa madaxweynaha Galmudug xildhibaan Cabdiraxman Odowaa.” Waxaa sidaas yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay facebook.

“Kulanka waxaa diiradda lagu saaray si qoto dheerna looga wadahadlay dhismaha dowlad goboleedka Galmudug loo dhan yahay, Geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo loo maro dhismaha dawlad goboleedka.” Ayuu sii raaciyey Fiqi.

Fiqi ayaa si yaab leh oo aan laga fileyn u sheegay in kulankaas ay xildhibaanada mucaaradka ku ammaaneyn ra’iisul wasaare Kheyre.

“Waxaa la bogaadiyey hawsha uu hormuudka ka ahaa Raysul wasaare Khayre ee xooggan lagu saarayey gogol u xaarka dhismaha Galmudugta cusub ee doorashadeedu ay ka dhacayso caasimadda Dhuusamareeb.”

“Gabagabadii Raysulwasaaraha iyo saaxiibadii kulankaas ka qeybgalay waxaa lagu heshiiyey dhismaha Galmduug loo dhan yahay oo loo maro hanaan cad, oo dhasha hogaan hanan kara hawlaha hortabinta u leh Galmudug xilligan la joogo.”