Ma laga yaabaa in Farmaajo uu kiiska badda heshiis kala galo dowladda Kenya?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay isku raaceen inay dib usoo celiyeen xiriirkooda ayada oo kiiska maxkamadda ICJ ee badda uusan taasi wax saameyn ah ku yeelan.

Madaxweynaha ayaa hadalka ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, kadib wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan waxyaabo badan oo ay ka wada shaqeyn karaan, islamarkaana aysan ahayn in khilaafka dhanka badda uu hor-istaago arrimo badan oo dan ugu wada jira labada dal.

“Waa in aan qaadano waxyaabaha guud ee aan ka simanahay, intii aan ay dadku qaadan lahaayeen kala duwanaanshaha, waana sababta aan u hubo in arrinta Maxkamadda ICJ in aynan saameyn ku yeelaneyn xariirka laba geesoodka ah ee labada dhinac” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Hadalka madaxweynaha ayaa beenin u ah war kasoo baxay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma oo qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka kadib kulanka ku sheegtay in Farmaajo uu Kenya u muujiyey “inuu ku kalsoon yahay in kiiska maxkamadda ICJ ee ka dhaxeeya labada dal lagu xalin doono hab ay labada dalba ku wadi qanci karaan.”

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay inaysan la yaabeyn in Monica ay qaloociso xaqiiqda kulanka, sababta oo ah horey ay marar badan sidan oo kale u samaysay.

“Monica Juma dadka qoraalkeedu ku socdo oo ay la hadleyso waa shacabka Kenya, waxayna isku dayeysaa inay shacabka Kenya caawa ku seexiso niyad wanaag, marka waxay gudaneysa shaqadeeda.” Waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan horey ugu sheegtay inaysan marnaba wada-hadal ka geli doonin kiiska badda, ayna ku qanacsan tahay in lagu kala baxo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

Dhageysiga dacwadda oo horey dib loogu dhigay laba goor ayaa hadda la waqtiyeeyey bisha June ee 2020, waxaana maxkamadda ay sheegtay inaan mar dambe dib loo dhigi doonin.

Waxaa shaki bax qof kasta ugu filan khudbaddii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeediyey Fadhiga Golaha Guud ee loo dhan yahay taasoo uu ku sheegay in aaney  marna ogolaaneyn in si hoose muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya looga wada hadlo, waxa uuna  intaa ku daray Madaxweyne Farmaajo in Soomaaliya ay ku qanacsan tahay go’aanka Maxkamadda kiisku hadda hor yaalo kaasoo la ogyahay xitaa in aanu Racfaan laheyn.

Waxaa Caddeyn kuug filan socdaalkii Horraantii bishii maarso ee sanadkan ee Adis-Ababa uu ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya ee kulanka kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, markiiba waxaa Madaxweynaha  loo soo kexeeyey Kenya si ay u wada hadlaan Kenyata oo ay u xaliyaan khilaafka hareeyey labada dal, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu madashaas ku ogolaaday inuu Uhuru kala hadlayo wax walba oo ay labada dal isku hayaan oo uu xitaa tanaasul ka sameynayo wax badan marka laga reebo kiiska Badda oo hadda yaala waxa loogu yeero Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Marka laga yimaado is jiidjiidka siyaasiyiinta Soomaalida oo midba midka kale karkaarka doonayo inuu weydaariyo (ka saaro saaxada siyaasadda soomaaliya) waxaa marag ma doonto ah in kiiska muranka  Badda ee Kenya nagala dhexeeya door fiican oo Soomaalinimo ah laga ciyaaray, masuuliyadda ugu weynna waxay hadda saaran tahay dowladda hadda shaqeysa ee uu madaxda u yahay Madxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kiiska Maxkamaddu waa gebagebo,  waxaa dhiman hal dhegeysi oo ku beegan June sanadka 2020, labada wadan Soomaliya iyo Kenya kiiba waxaa Qareenadooda la dhegeysan doonaa 4 saacdood, Augustana waxaa la quuddareynayaa inuu go’aanka kama danbeysta ahi soo baxo, Gebagebadii waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed walaaca joojiya, dowlednimo ayaa idin deeqda ee iskarow kan leexada leh.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sumcad xumo iyo karaamo beel ka qaadi doono haddii uu Dowladda Kenya u ogolaado inay qaadato Badda Soomaaliyeed, waxayna ku noqon doontaa Calaamad aanan ka harin Nolol iyo Geeri.

Dadka falanqeeyo siyaadda ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay intii uu Badda ku wareejin lahaa Kenya inuu Dacwadda Maxkmadda hortaalo dib isaga dhigo inta ay ka dhaceyso doorashada markaas oo go’aanka kiiskaan uu lahaan doono madaxweynaha badali doono isaga haddii Doorashada soo socoto looga adkaado.

Waxaa Qoray: Ibraahim Cali Maadeey

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Halkaan ka daawo warbixin wax badan shakiftay