Daraawiishta Puntland oo maxkamada Gaalkacyo xoog ugala baxay maxaabiis

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegayo in qaar ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland ay maxaabiis kala baxeen xarunta Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Maamulkaas.

Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug ee dowladda Puntland, G/sare Jaamac Maxamed Axmed, ayaa sheegay inay ciidamada xoog kusoo galeen gudaha maxkamadda isla markaasna ay xoog kula baxeen laba maxbuus oo markaas xukun lagu riday kadib markii lagu helay fal dambiyeedka lagu soo eedeeyey ee ah inay iibiyaan khamriga.

Mid kamid ah ciidamadii weerarka kusoo qaaday Xarunta Maxkamadda ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana ciidamada weerarka soo qaaday u suurtagashay inay wataan maxaabiistii la xukumay sida uu xaqiijiyey Taliya G/sare Jaamac Maxamed Axmed.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Booliiska gobolka Mudug ay ka shaqeyn la’ yihiin, ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka oo uu ku eedeeyay in ay qeyb- ka yihiin Khamriga  iyo daroogada la soo geliy gudaha magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi.

Waxaa kale oo uu caddeeyay in uu dacwad ka dhana ciidanka Daraawiishta u gudbiyay Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Yuusuf, si wax looga qabto dhibaatada ay Gaalkacyo ka wadaan ciidanka Daraawiishta sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa xaqiijiyey in Maanta ay ciidamada Booliska Gobolka Mudug  u suurtagashay inay gacanta kusoo dhigaan illaa 1500 dhalo oo khamri kadib howlgal laga sameeyey gudaha Magaalada Gaalkacyo.