Daawo: Sheekh Umal oo ka hadlay arrinta CC Shakuur ee muranka ka taagan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay arrinta hadal heynta badan dhalisay ee lagu heysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in Cabdiraxmaan uusan aqoon u laheyn xadiithka lagu eedeeyey inuu beeniyey.

Sheekh Umal ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu yahay qofkii ugu horreeyey ee dura ama daciifiya xadiithka rasuulka SCW uu ku sheegay in haweenka ay nusqaan ka yihiin caqliga iyo doonta.

“Xadiithka macnihiisa muusan fahmin, waayo markii Nabigeenna Muxamed NNKH uu fasirayay Aayad Qur’aan ah oo Al-baqro ku jirta ayuu ku fasiray oo salka u dhigay, waana dhici kartaa inuu xadiithka fahmay oo kas uu unaqdinayo, ninkaas xadiithka inuu naqdiyo oo duro waxuu u sameynayaa oo hadalkiisa ka cad inuu helo dumar siyaasadda ku taageera, macnihiisuna waxaa u gartay xadiithkaas ma jiree siyaasadda waad gali kartaane hadii aan kursiga helana waan inka qeyb gali doonaahe itaageera” ayuu yiri Sheekh Umal.

Umal oo sii hadlayey ayaa yiri “Waxaana ninkaas ula yaabeyn ragii dalka burburiyay oo dadka qarxiyey oo xasilooni darada hor boodayey ayaa maanta kursiga lagu abaal mariyey, haddana taas intay ka soo tagtay ayey mareysaa in diinta durideeda kuraas nagoola raadiyo”

“Marka uu xadiithka durayo dhinaca kale waxa uu amaanayaa islaan gaalnimo ku weynaatay oo 70 jir ah oo intaa gaalnimo kula ekaatay, culumadii muslimiinta ayuu ku been abuuranayaa oo uu leeyahay xadiithkaas culumadaa meelahaan ka keenkeentay oo jeebkooda kala soo baxday, marka ninkaas waxa uu u baahan yahay in la dhaho adeerow diinta noo nabad gali, waana rajeynayaa inay gabdhaha muslimiinta ah dhihi doonaan” ayuu hadalkiisa Sheekh Umal sii raaciyay.

Ugu dambeyntii Sheekh Maxamed Umal ayaa sheegay in Cabdiraxmaan uusan masuul muslim hoggaaminkara aheyn, isla markaana uu kula talinayo inuu toobad keeno inta uusan dhiman.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan dhihi lahaa towbadbaa kuu furane towbad keen, Ilaahey u soo noqo towbaddaadana iclaami, kana noqo khaldka aad gashay, towbaddu waa furantahay inta aad nooshahay, sidaas u madna ku hogaamin meysid kursina ku heli maysid Madaxweynana lagaa dhigan mayo, umaddana diinteeda hadaad ku cayaarto aakhira la’aan iyo aduun la’aan baa kugu dhici ee Ilaahey u soo noqo” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Hoos ka daawo muuqaalka, oo marka hore ku billaabanaya hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur.