Roobow oo 4 maalin kadib raashin cunay iyo gurigii lagu hayey oo laga raray

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa afar maalmood kadib shalay cuntadii bilaabay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo muddo sanad ka badan u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa saddex arrin u qaatay go’aanka ah “in uu cuntada ka soomo” waxaana wararka aan helnay ay xaqiijinayaan in saddexdii caqabad mid kamid ah la xaliyay, halka kuwa kalane aanan wali wax laga qaban.

Abuu Mansuur ayaa ka cabanayey arimaha kala ah.

1) – In la dejiyay guri Jiingad ah oo ku yaala dhabarka dambe ee Madaxtooyada kana tirsan degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir, waana aag ay badanaa ku soo dhacaan madaafiicda loo wado Villa Somalia.

2) – In aysan mushaar qaadan ciidanka ilaaliya dhowrkii bil ee la soo dhaafay islamarkaana ay ka suurtoobi karaan xaalad kasta.

3) -In uusan helin cadaalad muddo ka badan sanad oo uu u xiran yahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa xalay Radio Kulmiye ee Muqdisho u sheegay in Abuu Masnuur uu u soomay 3-daas arrin, islmarkaana gelinkii dambe ee shalay laga raray halkii uu daganaa, waxaana la dejiyay guri u dhow Xarunta hay’adda NISA ee degmada Shibis.

Wasiirka ayaa sheegay Sheekh Mukhtaar uu markaas kadib bilaabay cuntada islamarkaana la geeyay meel ka roon halkii hore, balse ay wali jirto cabashooyinkii kale ee uu qabay, isagoo dowladda ku dhaliilay in aysan ilaalin cadaaladda iyo sharuucda kale ee muwaadinka.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa aad looga hadlayay Xaaladda Caafimaad ee Abuu  Mansuur, iyadoo ay dadka walaac ka qabeen nolashiisa maadaama uu ka soonaa cuntada.