Muuse Suudi oo ka digay burcad batroolka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo shalay hadal ka jeediyey fadhigii golaha Aqalka Sare ee lagu ansixiyey sharciga Batroolka dalka, ayaa soo jeediyey in ansixinta sharcigan lala sugo dowlad xoog leh oo damaanad qaadi karta.

Senator ayaa sheegay in mar walba ay muhiim tahay in lasoo saaro Batroolka dalka, balse aysan suurta gal aheyn in hadda lagu deg dego, iyadoo uusan jirin sharci lagu heshiiyey oo lagu hago Batroolka, isla markaana aysan sharcigan raali ka aheyn dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, sida Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Sidoo kale Muuse Suudi waxa uu sheegay in qeyb ka mid ah badda ay dacwad ku jirto, isla markaana ay qabaan shaki badan oo ku aadan sida ay xukuumaddu ugu xusul duubeyso suuq geynta shidaalka dalka.

“Waxa la qodi rabo oo warqadaha loo sameysanaayo, oo la beec geynaayo, oo kalluunkeeda iyo canshuurteeda la iska guranaayo, oo garoomadooda iyo dekedahooda la biisho waa reer Hir-Shabeelle iyo Muqdisho, badana waa la kala xigaa, anigu waardiye ayaan ka ahay badaas, marka hada waxaan arkaa dad waxoodii u keydsanyihiin, waxeenana gacanta u taagaya oo leh waa in la hir geliyo oo na boobaaya”ayuu yiri Senetor Muuse.

Senator oo hadalkiisa sii watey ayaa golaha ka hor yiri, “Sharcigan waxaa laga rabaa in warqadii laga soo saxiixay Golaha Shacabka, laga saxiixo golahan Aqalka Sare, kadibna loo geeyo Madaxweynaha ee markuu saxiixo Ra’iisul Wasaaruhu u geeyo shirkado lacag kaliya looga rabo”.

Ugu dambeyntii Senetor Muuse Suudi ayaa soo jeediyey in heshiiskan hadii la gelaayo lala galo dowlado damaanad qaadi kara oo aan ku xad-gudbeyn.

“Doomo aan badeena ku ilaashano ma qabno maraakiib is laameed ayaa noo soo gudbisa raashinka, kalluunkii ayaan ilaasha weynay, burcad badeed ayaan isla dhici weyney, marka burcad Batrool iskama ilaali karno” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Senetor Muuse Suudi Yalaxow.

Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyey Sharciga Batroolka dalka oo muhiim u ah Soomaaliya, si ay usoo saarato kheyraadka shidaalka ee la rumeysan yahay inuu dalka ku jiro.

Sharcigan ayaa waxaa sidoo kale horey u ansixiyey Golaha Shacabka, 20-kii May 2019, wuxuuna hadda u baahan yahay kaliya saxiixa madaxweyne Farmaajo, si uu u dhaqan galo.

Wasiirka ku xigeenka batroolka iyo macdanta Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa bogaadiyey tallaabada Aqalka Sare, oo uu ku qeexay mid bog cusub u furtay Soomaaliya.