Xildhibaanka Mandhera oo dalbaday in Kenya ay xirto oo ay gacan geliso Janan

Mandhera (Caasimada Online) – Xildhibaan Cumar Macallin oo baarlamanka dalka Kenya kasoo galay Bariga Mandhera ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay xirto oo wasiirka amniga Jubaland ay u gacan geliso dowladda Soomaaliya, ama in isaga iyo ciidamadiisa ay ka ceyriso magaalada Mandhera.

Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday Muqdisho, ayaa ku sugan magaalada Mandhera, halkaasi oo ciidamo uu ku haysto.

“Ma garanayo waxa ay dowladdeena ka faa’iideyso inay gabaad siiso dambiile la doonayo. Ha xirto dambiilahan oo ha dhiibto, ama ha ka ceyriso Mandhera, si ay nabad u ahaato,” ayuu yiri Cumar Macallin, oo horey u ahaa barasaab ku-xigeenka Mandhera.

“Waxaan ogahay in wasiir baxsad ah iyo ciidamadiisa ay hadda ka howl-galaan saddex hotel oo ku yaalla Mandhera. Dowladda Kenya waa inay arrintan kala caddeysaa. Maxay arrintan ka faa’iideysaa Mandhera oo hadda la daalaa dhaceysa xasarad waxbarasho,” ayuu yiri xildhibaanka oo la hadlay Daily Nation.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo xiisad xooggan ay ka taagan tahay magaalada Mandhera ee dalka Kenya, xilli wararka ay sheegayaan in ciidamada Soomaaliya ay isku urursanayaan magaalada xuduudda la leh Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in xiisadda Mandhera ay salka ku hayso cabsi laga qabo in ciidamada Soomaaliya ay qorsheynayaan inay soo weeraraan hotel ku yaalla magaalada, oo uu degan yahay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kasoo baxsaday dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga digtay dowladda Kenya in gabbaad siinta wasiir baxsad ah oo la doonayo ay waxyeeleyn karto xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan).