24.3 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Somaliland iyo Puntland oo madaafiic isku garaacay

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka aanu ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in deegaankaasi uu dagaal xoogan ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalkaasi oo la isku adeegsanayey hubka culus, ayaa waxa uu saacadihii la soo dhaafay ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ciidamada labada maamul ayaa Madaafiic badan isku weydaarsanayey deegaankaasi, sida ay noo sheegeen dad deegaanka ah, kuwaasi oo mararka qaarna maqlayey rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay ridayeen.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, inkasta oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus oo sababi kara khasaaro badan .

Dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland ayaa dib u soo kacday xiisadiisu, kadib dagaalo dhowr ah oo dhowaan dhex-maray, wuxuuna dagaalkan sii hurinaya xiisada colaadeed ee labada maamul.

Labada maamul ayaa u muuqda kuwa gebi ahaanba iska dhiga tira baaqyo nabadeed oo laga soo saaray dagaalada khasaaraha badan ay ka dhashaan ee iska hor-imaadka labadooda dhinac, kuwaasi oo ku saleysan gacan ku haynta deegaanada xuduudka.

- Advertisement -

Read more

Local News