Xog: Khilaaf xooggan oo ka taagan qorshe lagu xirayo Masaajiddada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal ay uga dan leedahay inuusan cudurka Coronavirus ku faafin deegaanadeeda, maadama dhowaan labo kiis laga helay magaalooyin ka tirsan, isla markaana ay suurto-gal tahay faafitaanka cudurkaasi dunida ku habsaday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddiga uu Muuse Biixi u magacaabay u diyaar garowga iyo ka hortaga fayruska Coronaha ayaa waday qorshe ay ku rabeen in la xidho Masaajida deegaanadooda, maadama gudaha Somaliland laga helay Kiisas la xiriira cudurkaasi Coronavirus.

Caasimada Online ayaa sida ay xogta ku helayso Go’aanka xidhista Masaajidada ee ay qorsheynayeen Guddigu ayaa waxa si weyn uga hor-yimid qaar kamid ah Culimada Somaliland oo ay kulan kula qaateen magaalada Hargeysa, isla markaana ay u soo bandhigeen in gebi ahaanba la xiro Masaajida, si uusan u faafin cudurkan.

Culimada Somaliland ayaa iyagu ku doodaya in aan weli la gaarin xiligii la xidhi lahaa Masaajida maadama aan Somaliland lagu soo rogin Bandow mabnuucaya isku socodka dadka iyo suuqyada waaweyn ee dadku ka adeegtaan magaalada, taasi oo ay ku tilmaameen go’aan waqtigiisi kasoo hor-maray.

Guddiga Somaliland ee u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus, ayaa iyagu hore u qaaday go’aamo ay ku xadidayaan goobaha dadku iskugu yimaadan, walow uusan si rasmi ah uga dhaqan galin magaalooyinka Somaliland.

Culimada Somaliland ayaa iyagu qaba inay xidhista Masaajidada ka muhiimsan tahay oo ay ka horeyso xidhista goobaha ay dadku iskugu yimaadaan sida, Huteelada waaweyn, Maqaaxiyaha iyo weliba goobaha ay ku qayilaan dadka cuna qaadku.

Somaliland ayaa iyadu wajaheysa culeys xoogan oo ku aadan ka hortaga cudurkan dunida ku faafay, iyada oo qaar kamid ah deegaanadeedana uu ka jiro Cudurkaasi, taasi oo sarre u sii qaaday cabsida ku aadan inuu si dhaqso ah ugu faafo.