24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Puntland oo qirtay inuusan dhaqan gelin amarkii ay ku xirtay xuduudaha Somaliland iyo Itoobiya ay la-wadaagto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey, oo saxaafadda u akhriyay warbixinta guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa xaqiijiyay in uu dhaqan-geli waayay amarkii Puntland ku xirtay xuduudka dhanka Somaliland iyo Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay in laamiga dheer ee isku xira degaannada Puntland iyo Somaliland uu si caadiya u furanyahay, islamarkaana gaadiidka kala duwan ay maalinle u maraan, taasina uu isagu indhihiisa ku soo arkay kadib socdaal uu dhowaan ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sool.

Mudane Sabareey, ayaa ku baaqay in Puntland ay ciidamo gaar ah u samayso, dhaqan-gelinta bandowgii lagu soo rogay xuduudka dhanka Somaliland, maadaama uu socon waayay amarkii hore ee lagu xiray isu-socodka labada dhinac.

Warar ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in xuduudka Puntland la wadaagto dhanka Ethiopia uu isna weli furanyahay  oo uusan ka dhaqan-gelin amarkii xukuumadda Puntland ku xirtay xuduudka, si looga hortago faafidda COVID-19.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60