Dokumentiyo muujiyey xiriir ka dhaxeeya Saudi Arabia iyo kooxda Al-Qacida (Arag)

Sanca (Caasimada Online) – Wakaaladda Wararka Yemen ee YPA ayaa weriye sare oo ku sugan Koonfurta Yemen kasoo xigatay dokumentiyo muujinaya xiriir ka dhaxeeya dowladda Sacuudiga iyo kooxda Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP.

“Warqad ka timid qabiilka al-Humiqani ayaa xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo looga digay inay hub usoo diraan kooxaha argagixisada ee gobolka Al-Baydah, ayaga oo usoo marinaya xisbiga Al-Rashad iyo Abdul Rahman Abu al-Harith al-Humiqani oo ku xiran kooxda Daacish,” ayuu yiri weriye Salah Bin Laghbar.

Hase yeeshee warqad kale oo ka timid Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa amartay in hub lagu wareejiyo kooxihii argagixisada ee laga digay, sida uu sheegay weriye Laghbar, oo helay labada warqad.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sanadkii tegay, baaritaan uu sameeyey taleefishinka CNN lagu ogaaday in Sacuudiga ay hub ay ka heleen Mareykanka siiyeen maleeshiyo Salafi ah oo xiriir la leh kooxda Daacish.

Sacuudi Carabiya ayaa muddo lagu eedeyn jiray inay si dadban u taageeraan kooxaha xagjiriinta, ayada oo nidaamka diimeed ee Wahaabiga ah ee dalkaas la rumeysan yahay inuu dhiiri-geliyo fikradaha diimeed ee xagjirnimada iyo rabashadaha ku dhisan ee kooxaha Al-Qacida iyo Daacish.

Sacuudi Carabiya marar badan ay beenisay eedeymahan.