Farmaajo iyo Kheyre oo loo jeediyey dalab muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal uu madaxda dowladda ugu baaqayo in ay shacabka si joogto ah ula wadagaan khatarta iyo saameynta cudurkan dalka soo galay ee Coronavirus.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka oo kaliya lagu sii daayey arrimaha cudurkaas, iyadoo dalal ka hor marsan dalkeena ay ka guuleysan la’yihiin Coronavirus iyaga oo aan u kala harin.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan in Adduunka oo dhan madaxdooda ay hoggaaminayaan dagaalka lagula jiro cudurkan sida fudud ku faafaya ee Coronavirus.

Siyaasigan ayaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeedba u soo jeediyey talooyin dhinaca samafalka ah iyo doorka hoggaanka siyaasadda ee ka hor tagga iyo la tacaalidda cudurkan.

Hoose ka akhriso qoraalkan Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga

Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda in ay shacabka horyimaadaan, hoggaanna muujiyaan, si shacabka ay u helaan xog sugan oo la xariirta Fayriska Karoona. Hawshan hoggaankeeda kuma filna wasaarad, adduunka oo idilna madaxda sare ayaa hoggaamineysa dadaalka lagula tacaalayo Karoona Fayris. Waxay ahayd in horay loogu diyaargaroobe, dhowr jeer oo horena hoggaanka dawlada waan xasuusinay, laakiin talaabooyin wax ku ool ah lama qaadin . Haddaba waa in talaabooyin kan siyaasadeed iyo farsamo degdeg loo qaado.

Kaalinta hogaanka siyaasadeed waa in

1- Madaxdu ay dadka horyimaadaan, runtana u sheegaan, oo ay ugu horreyso inta ay tabarteenna la tacaalida la egtahay, xagga qalabka baaritaanka, qolalka daryeelka sare, qalabka oksijiinka caadiga ah iyo ogsijiinka mashiinka ah.

2- Waa in ay hawshan la gaarsiiyo heer Golaha Amniga Qaranka ka wada hadlo, kaasoo ay ku jiraan guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda dowlad goboleedyada. Wadahadalku wuxuu noqon karaa warbaahinta la iska arko. Waa in joogto looga tashadaa sida looga hortegi karo aafada Fayriskan dilaaga ah.

3- In si wadajir ah loo qaato go’aamo la is waafajinayo bedqabka dadwaynaha, iyadoo la tixgelinayo saamaynta dhaqaale ee go’aanadaas, maadama inta badan dadkeenu ku nool yihiin waxa kasoo gala xoogsi maalmeedka.

4- In la dhiso guddi ganacsato, bulshada rayadka ah, culimada iyo waxgarad ah oo qayb ka noqda abaabulka istaakulaynta bulshada .

Dhinaca Farsamada

1- Waa in dhiso guddi khubaro saynis iyo dhakhaatiir isugu jira, lehna gudoomiye aqoon durugsan u leh cudurada faafa, si ay dadwaynaha maalin walba ula socod siiyaan halka uu xaal marayo.

2- Farriimo iyo talooyin wacyi gelin uu Guddigu hormuud u yahay oo ay dhammaan qaybaha bulshada saameynta ku leh ka wada qeyb qaataan.

Fayriska Karoona waxaa looga samatabixi karaa, Alla oo la tala saarto laguna kabo taxaddar, digtooni, farriimaha iyo talooyinka khubarada caafimaadka oo la raaco.

Nabigeeenna (NNKH) wuxuu yiri “Hashaada xiro, Ilaaheyna talo saaro”