Faysal Cali Waraame oo si adag uga horyimid qorshihii uu Abiy u weeciyay Khayre

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la sheegay in Abiy Ahmed uu mas’uuliyada wada-hadalada DF iyo Somaliland dusha ugu saaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba ogoleyn wada-hadalo uu qeyb ka yahay Khayre, midaasi noqoneysa fashilkii labaad ee ku yimaada qorshayaasha Abiy Ahmed.

Faysal ayaa ka horyimid aragtida uu aaminsan-yahay Abiy, kaasi oo ahaa in Somaliland aysan rabin Farmaajo balse ay Khayre macquul tahay inay aqbalaan, maadama aysan xasaasiyad weyn ka qabin sida Madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa banaanka keenay in qorshaha Abiy Ahmed ee wada-hadalada uu yahay mid uu ku wiiqayo jiritaanka Somaliland, isla markaana uu ku rabo inay midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland oo sheegata inay ka madax-banaantahay Jamhuuriyada.

Faysal Cali ayaa gebi ahaanba diiday in wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan dalal ay kamid tahay Itoobiya, oo uu sheegay inay u xaglinayaan dhanka Soomaaliya.

Lamana oga in mowqifka Faysal ay ka wada socdaan Madaxweynaha Somaliland oo isagu ka gaabsaday ka hadalka arrinkaasi, balse si guud u sheegay inay diyaar u yihiin in wada-hadalo la furaan dowladda Soomaaliya, marka laga baxo xaalada ka dhalatay Corona ee dunida saameysay.