R/W NUUR CADE waxa uu xasuuq ka bad-baadiyey malaayiin Soomaali ah!

Innaa Lillaah wa Innaa Ileeyhi Raajicuun.

Waxaa geeriyooday (AUN) raysalwasaarihii hore: Mudane Nuur Xasan Xuseen, oo ku magac dheeraa: Nuur Cadde. Wuxuu ahaa raysalwasaare ummad badanoo Soomaaliyeed, abaal qiima badan ku leh, ummadaasoo xasuuq ba’ani ku socday xilligaa, si uu u badbaadiyana, kursigii raysalwasaarenimo, ee uu ku fadhiyey, miiska saarayoo ka dhaqaajiyey.

Allaah ha u naxariistee, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxa uu dhashay 16-kii Febaraayo sanadkii 1937-dii, wuxuuna ahaa raysalwasaarihii 12-aad, ee taariikhda Soomaaliya soo maray.

Mudane RW Nuur Cadde wuxuu ahaa u adeegihii shacabkiisa xilligii ugu adkaa. Wuxuu gurmad aan la hilmaami karin ugu fidiyey Bisha Cas,oo uu hogaaminayey, isagaa qalabeeyey isbitaal Keeysaneey, waqtigii caajada loo dhaamaanayey, ee ku caan-baxay: Xilligii Caga-Bararka.

RW Nuur Cadde wuxuu xilka qabtay, xilli adagoo caasimadii dalka eey isku dhex eryanayeen: Muqaawamadii xilligaa, Dowladii xilligaa, iyo ciidamadii dalka qabsaday ee Itoobiyaanka. Wuxuu xukunka qabtay iyadoo xasuuq ba’ani uu ka socdo dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta dalka, haba ugu darnaadeene gobolka Banaadir iyo hareerahiisa. Xasuuqaa oo eey geeysanayeen dowlada Itoobiya, oo markaa uu hogaaminayey Meles Zenawi, iyo dowladii eey taagiyadeena dalka ku keensatay.

RW Mudane Nuur Cadde, xiligii uu imaanayey tusaale ahaan, Suuqa Bakaaraha, ee ku yaalla caasimada dalka, oo ah meesha uu yaallay dhaqaalaha ummada, inta ugu badanna u biil doonan jirtay, ayaa waxaa si joogta ah, oo waliba ula kac ah, loogu garaaci jiray madaafiic, ummad aad u farabadana, loogu gumaadi jiray maalin kasta, si horin horin ama koox koox ah.

Meelkastoo magaalada Muqdisho ka mid ah, hadii taayar ama sheeg qarxo, waxaa la leyn jiray ama la xasuuqi jiray, waxkastoo dhaqaaqaba, xoolo iyo bini’aadam intaba, iyadoo sidoo kale aan  loo eegin waayeel, dumar iyo caruur midkoodna.

Ummada waxaa laga qabqabsan jiray wadooyinka Muqdisho, xabsiyo ayaana laga buuxsan jiray, kadibna loo qeeybin jiray, qaar la daldalo, ama la toogto, iyo qaar dhaqaale soo deyntooda lagu baado.

Waxeey aheyd xilli masaajidda ummada si joogto ah, loogu xasuuqi jiray, haba ugu caansanaadee xasuuqii ka dhacay masaajidka aadka u weyn, ee Al-Hudaa ee jamaacada tabliiqa, kuna yaala Huruwaa/Heliwaa, ee culumadii Tabliiqa iyo ummad badanoo joogtayba, dhagta-Dhiiga loo wada daray. Xad malaha iyana dumarka la kufsaday, kadibna si darxumo ah loo dilay, cidina eeysan is weeydiin, maadama meydku dariiqyada wada yaallay.

Wuxuu ahaa xilli aad u adag. Soomaali Maxamed dal iyo dibadba weey kacdayoo, kawada dhiidhisay. Kuwa dibadaha jira, ayaa isku daray mudaharaadyo joogta ah, iyo dhaqaale soo aruurin iyo soo dirid. Kuwa gudaha joogayna, waxaa loo wada istaagay difaaca dalka, iyo sidii ummadaa dulliga looga dul-qaadi lahaa, iyo waliba sidii Itoobiyaanka dalka looga saari lahaa intaba. Dad aan waligood qori qaadin, qorshahana ugu jirin, ayaa xiligaa qoryaha qaatay, qofkasta wuxuu ku qasbanaaday inuu noqdo “Muqaawamo”, illeen wax kaluu dhowrto ayaan jirine.

Team/koox yaroo raysalwasaare Nuur Cadde hogaaminayey, uuna ka mid ahaa danjire Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, ayaa waxeey hogaanka u qabteen, geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen, sidii loo joojin lahaa xasuuqa ummadaa ku socda. Safarro is dabajoog ah, shirar aan kala go’laheynoon loo kala

kicin, doodo miisaska la isu garaacday, qoraallo dunida dacalladeeda loo kala diray, ayaa ugu dambeyn waxeey beesha caalamka, oo eey ugu horeeyaan quwadaha waaweyn, ku qanciyeen in waxa Koonfurta ka dhacaya, yahay xasuuq ummadeed, oo aan la aqbali karin, si loosoo afjarana lagama maarmaan tahay, in lala heshiiyo mucaaradkii hubeysnaa, dowlada markaa jirtayna gabi’ ahaanba meesha ka baxdo, oo uu ugu horeeyo madaxweeynihii markaa, (kaasoo Mareeykanku ku qasbay inuu is casilo), dowlad cusubina meesha timaado, ciidamada Itoobiyaankana dalka laga saaro.

Intaa kadib wuxuu RW Nuur Cadde udub dhexaad u noqday wada-hadalkii dhex maray dowladii KMG, iyo garab kamid ah maxkamadihii, oo saldhigtay dalka Jabuuti, waxaana ugu dambeyn halkaa lagusoo dhisay, baarlamaan ka koobnaa saddex dhinac oo kala ahaa, Dowladii KMG, Maxkamadihii, iyo bulshada rayidka.

Mudane RW Nuur Cade wuu ogaa inuu ka shaqeeynayey in dowladii markaa jirtay, oo dhibka socday qeyb weyn ku laheyd, meesha ka baxdo, dowlad mucaaradkii hubeysnaa, qeyb ka yahayna la dhiso, Itoobiyaanka dalka laga saaro, si xasuuqa ummadaa ku socday u istaago, si hadafkaa loo gaarana, wuxuu diyaar u ahaa, inuu kursigaa raysalwasaarenimo uu ku waayo, siyaasiyiinta Soomaaliyeedna kursi si eey u ehelaan, ama mid eey markaa ku fadhiyaan, usii heeystaan, ayey aduun iyo aakhiraba, dad iyo dalba uwada dhaafsanayaan. Qaarbaa si eey xukunka ugusoo noqdaan, dadkii iyo deegaankii eey kasoo jeedeenba, bilaa xuquuq dhigay, iyagiina masoo noqon.

Xafiiska raysalwasaarenimo ee uu qabtay sanadkii 2007-dii, waxa uu baneeyay sanadkii 2009-kii, kadib markii Jabuuti lagu doortay Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd mudane Shariif Sheekh Axmed, oo isna raysalwasaare muddo kadib u magacaabay mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke

Xasuuq ka badbaadinta ummadaa, Allaah ka sokoow, waxaa abaalkeeda iska leh Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Allaha ka abaal mariyee, iyo team-kii/kooxdii la shaqeeyneeysey.

Guaanad

R/W hore Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxaan Allaah uga baryayaa inuu dambigiisa iyo dambi waalidkiisba dhaafo. Jannatul-Firdoowsana ka waraabiyo, qoyskiisii, ehelkisii, asxaabtiisii iyo dhamaan ummada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan kawada siiyo.Allahuma aamiin

Innaa Lillaahi, Wa Innaa Ileeyhi Raajicuun.

C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) – Waa dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed.
abdulkadirphd@hotmail.com Minnesota-USA.