Puntland oo qirtay inuusan dhaqan gelin amarkii ay ku xirtay xuduudaha Somaliland iyo Itoobiya ay la-wadaagto

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey, oo saxaafadda u akhriyay warbixinta guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa xaqiijiyay in uu dhaqan-geli waayay amarkii Puntland ku xirtay xuduudka dhanka Somaliland iyo Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay in laamiga dheer ee isku xira degaannada Puntland iyo Somaliland uu si caadiya u furanyahay, islamarkaana gaadiidka kala duwan ay maalinle u maraan, taasina uu isagu indhihiisa ku soo arkay kadib socdaal uu dhowaan ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sool.

Mudane Sabareey, ayaa ku baaqay in Puntland ay ciidamo gaar ah u samayso, dhaqan-gelinta bandowgii lagu soo rogay xuduudka dhanka Somaliland, maadaama uu socon waayay amarkii hore ee lagu xiray isu-socodka labada dhinac.

Warar ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in xuduudka Puntland la wadaagto dhanka Ethiopia uu isna weli furanyahay  oo uusan ka dhaqan-gelin amarkii xukuumadda Puntland ku xirtay xuduudka, si looga hortago faafidda COVID-19.