DALXA oo shaaciyey halis kasoo socota shakhsiyaad u adeegaya dalal shisheeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan guddiga dekadaha ee gaadiidka badda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay khatar uu sheegay in dalka ay ku hayaan shakhsiyaad ay soo adeegsadeen dalal shisheeye, kuwaas oo uu carrabaabay dalka Kenya.

Xildhibaan Dalxa oo u warramay Radio Simba ayaa sheegay shakhsiyaadkaas ay si joogto ah dalka dhanka xeebaha uga soo geliyaan waxyaabo maandooriye ah oo qaadku u badanyahay, iyadoo la adeegsanayo doomo, kuwaas oo halis ku ah bad qabka umadda Soomaaliyeed.

Dalxa oo ku hadlayey magaca guddiga dekadaha ee gaadiidka badda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin adag u diray dadka ku howlan falalkaas oo uu sheegay in ay xogtooda si buuxda u hayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shakhsiyaadkaas ay adeegsadaan inta badan xeebaha dalka, sida xeebaha Jubbada Hoose, Banaadir, Galmudug iyo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Ninka maanta soo dhoofinaya waxyaabahaas aadka u xun ee hadana caafimaad darrada iyo cudurka wata, anigu waxaan qabaa Soomaali-nimadooda in la baaro horta dadkaas iyo kuwa kasii iibsanaya ee sida dhuumaaleysiga ah dalka ugu sii dhex iibinaya”ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri Dalxa, “Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa, iyadoo sun lagu siinayo oo hadana aad soo iibsanayso suntaas ayey ka dhigantahay arintaas ee fadlan ka waantooba”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa dalbaday in dadka soo dhoofinaya waxyaabahaas suntan ah aysan dowladdu indhaha ka fiirsan ee go’ankii ay ku xirtay hawada ay badana ku xirto, si looga badbaado waxyaabaha halista ah ee dalalka qaar ay iska soo dhoofinayaan.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka dambeyso qaadka lagu soo daabulayo Soomaaliya, arintaas oo uu ku tilmaamay mid ay ku xumeyneyso dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ku dooneyso in ay halis ku geliso caafimaadka umadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u joojisay duullimaadyada caalamiga ah, oo qaadka ugu badan dalka lagu soo geli jiray, balse hada iyada oo aysan jirin waxa duullimaad ah, gudaha ama dibada, ayaa waxaa hadana dalka lasoo geliyaa maandooriye uu qaadku ku jiro, kuwaas oo laga soo geliyo xuduudaha dhulka oo ah kuwo intooda badan iska furan oo aan laheyn wax ilaalo ah.