DF oo ka jawaabtay warar ah in qof labaad uu Muqdisho ugu dhintay Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka hadashay suurta-galnimada ah in hal qof ka badan uu cudurka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa Arbacadii shaacisay in muwaadin 58 jir uu noqday qofkii ugu horreeyey ee gudaha Soomaaliya ugu dhintay cudurka, hase yeeshee warar ay warbaahinta qaar werisay ayaa lagu sheegay in qof labaad oo lagu arkay calaamadaha cudurka uu ku dhintay Muqdisho.

Bukaan jiifay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho kaas oo looga shakiyay Covid-19 ayaa la geeyay isbitaal Martiini, taasi oo lasheegay in wasaarada caafimaadka ay awood buuxda u yeelan weysay in ay ku xirto oksijiin kadibna dib loogu soo celiyay Isbitaalkii hore, halkaas oo kadibna uu dhintay.

Isaga oo la hadlayey Taleefishinka Shabelle ee Muqdisho, ayaa wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Saciid waxa uu sheegay inay jiro karto suurta-galnimada arrintaas balse uusan xaqiijin karin.

Waxa uu sheegay in aysan baarin qofka la tilmaamay in uu ku geeriyooday Muqdisho, sidaas darteedna aysan hubin wasaarad ahaan.

“Waa jiri karaan, dad badan oo xanuunsan ayaa jooga Isbitaallada waddanka. Qofka siyaabo badan baa loo heyn karaa, calaamado calaamadahaan lamid ahna wuu yeelan karaa, waxa kaliya oo aan ku kala caddeyno waxay tahay annagoo dheecaanada qaadna sheybaarka la geeyo la ogaado,” ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: “Annaga kiiska nooma diiwaan-gishana, oo laab ahaan ma aanan caddeynin. Taa macnaheedu ma ahan in uusan u dhiman ma dhihi karno, ilaahey baa og. Laakiin, xaqiiqda jirtaa waxay tahay cudurka, sidaas aragteen wuu ka jirtaa waddanka, waa laga yaabaa.

Dhanka kale, wasiir ku-xigeenka ayaa qiray inay hooseyso awooda uu Isbitaalka Martiini, oo loo asteeyay goobta karantiilka, u leeyahay in uu qaabilo bukaano badan.