26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Farriin madaxweynaha ka timid oo ku socota shacabka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)– Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shacabka kula wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon.

“Dowlad ahaan waxa aynu nahay dal hadda soo kabanaya dhinac kasta, dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka ma gaarsiisana heerka aan dadkeenna ugu qaban lahayn waxbadan oo ay ahayd in aan ku wajahno marxaladdan adag, sidaas oo ay tahay waxaan xoogga saareyna ka hortagga cudurkan maadaama ay tahay waddada ugu habboon ee inoo sahlan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay isu gurmadaan oo ay isgarab siiyaan, gaar ahaan ganacsatada oo masuuliyad adag ay saaran tahay wakhtigan, iyada oo loo baahan yahay in ay u naxaan dadkooda dhibaateysan, uguna dhibriyaan sicirka badeecadaha, sida lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa caafimaad u rajeeyey dhammaan bukaannada uu haleelay cudurka COVID-19. “Allena waxa uu naxariis u weydiiyey muwaadinkii dalka ugu geeriyooday cudurkan.”

Khatarta cudurka Coronavirus ayaa dalka si weyn looga dareemayaa kadib markii ay korortay tirada dadka uu soo ritay, waxayna haatan mareysaa tirada dadka la shaaciyey ee uu ku dhacay gudaha dalka 21 ruux oo mid u dhintay, midna ka caafimaaday, halka inta kale lagu dabiibayo goobo loo asteeyey.

- Advertisement -

Read more

Local News