25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xasan Sheekh Maxamuud oo shaaciyey arrin uga sii dari karta cudurka Coronavirus

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Coronavirus.

Ugu horreyn wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo yareeyo faafitaanka cudurkaasi.

“Alle ayaan ka magan-galeynaa cudurkaan halista ah, Bulsho kala duwan ayuu dhibaato u geystay, xitaa Xaramka ayaa loo xiray, sababtu waa in aysan dadku is qaadsiin, yaan la yareysan tallooyinka Caafimaadka, waana xalka ugu fudud ee looga hortagi karo Fayruska, si gaar ah waxa aan fariintaan la wadaagayaa dadka goobaha kala duwan isugu tago ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu cudurka sii faafayo marba marka ka dambeysa, isagoo sababta ku sheegay inay yar-tahay feejignaanta dadka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku dhuftay in weli ay dadka isugu tagaan hoteelada, goobaha aroosyada, maqaaxiyada iyo meelaha ah kulanka bulshada.

“Cudurku waa uu sii faafaya, waxaa yar feejignaanta dadka, waxa ay isugu tagaan Hoteelada, Goobaha Aroosyada, Maqaaxiyada iyo meelaha ah kulanka Bulshada, Xamarka alle oo dad badan isugu tagaan ayaa loo xiray in aysan dadku isqaadsiin, sidaas awgeed Cudurku ma sahlanyo ee yaan la sahlan, ducada hala badiyo waana xalka kaliya ee looga hortagi karo” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah, taas oo ah tirada ka dhigtay illaa 25 qof oo karantiil ku jira.

- Advertisement -

Read more

Local News