25.9 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

DF Somalia oo war rasmi ah kasoo saartay diyaaradii ku dhacday garoonka Bardaale

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo war rasmi ah kasoo saartay diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Bardaale, ayaa sheegtay inay si rasmi ah u bilowday baaritaan ku aadan shilkaas, oo ay ku dhinteen illaa lix qof oo saarnaa diyaaraddaasi.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa guddi khuburo ah saaka u dirtay goobta ay ku burburtay diyaadda oo ay laheyd shirkadda African Express.

Guddigan ayaa soo baari doono, sababta rasmiga ah ee ka dambeysay burburka diyaaddaasi oo la sheegay inay si ula kac ah u soo rideen ciidamada Itoobiya.

Wasaaradda gaadiidka ayaa sidoo kale shaacisay inay si deg-deg ah u shaacin doonto natiijada baaritaankaasi, islamarkaana ay la wadaagi doonto Ummadda Soomaaliyeed.

Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa E120 ayaa siday shixnad gargaar daawo ah, waxaana ku nafwaayay dhammaan dadkii saarnaa oo lix qof ahaa.

Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay heshay ayaa sidoo kale sheegaya in duulimaadka diyaaraddaasi ay haysatay ogolaansho wasaaradda duulista dowladda federaalka ah ee Soomaaliya , iyadoo horay loo wargeliyay maamulka garoonka Bardaale, lagana war qabay xilliga duulimaadkaasi uu ku soo wajahnaa garoonka.

Dadka ku dhintay shilkan ayaa kala ahaa, Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng.  Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid C/laahi Maxamed, sida uu sheegay Xildhibaan Ibbi.

- Advertisement -

Read more

Local News