IMAARAADKU horseed ma u noqon karaa bur-burka midnimada Soomaaliya?

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii u dambeeyay inta badan xiriir wanaagsan la laheyd maamulada dalka, xili uu xiriirkooda diblumaasiyadeed ee dowladda federaalka uu hoos u dhacay.

Somaliland ayaa kamida maamulada uu xiriirka wanaagsan kala dhaxeeyo Imaaraadku, iyada oo shirkadeeda DP World ay gacanta ku hayso dekedda Berbera oo ah isha dhaqaale ee ugu muhiimsan xukuumada Muuse Biixi.

Siyaasiyiin badan oo taabacsan dowladda federaalka ayaa rumeysan in dowladda Imaaraadku ay kaalin weyn ka ciyaarto bur-burinta midnimada Soomaaliya, xili ay meeqaam sarre ku soo dhaweyso madaxweynaha Somaliland, oo ku dooda inay ka madax-banaan tahay Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa xiriir wanaagsan la sameystay Somaliland, kadib markii uu hoos u dhacay midkii dowladda federaalka, taasi oo tooshka ku ifineysa meeqaamka xiriir ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraadka.

Somaliland ayaa iyadu dhowr jeer ka difaacday eedeymo ay dowladda federaalku u jeedisay dowladda Imaaraadka, oo ay u aragto cadow kasoo horjeeda midnimada Soomaaliya, sida uu dhawaan shaaciyay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, oo dhawaan wareysi siiyay Telefishanka Al-Arabiya ayaa si cad u sheegay in shirkadda Imaaraadka ah ee DP World ay khatar ku tahay Soomaaliya, isla markaana ay qeyb weyn ka qaadato kala qeybinta Jamhuuriyada.

Dowladda federaalka ayaa iyadu aaminsan in dowladda Imaaraadku ay si gaar ah ula tacaamusho maamulada dalka, iyada oo mararka qaar gaarsiisa martabada ‘dowladd madax-banaan’, walow aysan si cad u shaacin arrinkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Imaaraadka awoodeedu ma gaarsiisna heerka ay dowladda federaalku gaarsiisay, maadama aysan qaraar ka gaari karin kala qeybinta Soomaaliya.

Maamulada dalka ee qaarkood ku doodayaan madax-banaanida ayaa ku hanan kara ictiraaf ama aqoonsi buuxa is-fahan ay wada galaan dowladda federaalka, midaasi oo ka dhigeysa in furaha kala qeybsanaanta ay gacanta ku hayso dowladdu.

Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa iyadu laftigeedu lug ku leh kala qeybinta ay dusha u saareyso Imaaraadka, sida ay aaminsan-yihiin siyaasiyiin aan la dhacsaneyn siyaasadeedu.

Dowladad federaalka ayaa siyaasad aan laga fiirsan inta badan kula dhaqanta maamulada dalka, iyada oo mararka qaar horseeda in gebi ahaanba meesha uu ka baxo xiriirka kala dhaxeeyay maamulkaasi.

Xukuumada uu hogaamiyo Farmaajo ayaa la rumeysan yahay in mudada xilka ay hayso uu tiro beelay khilaafaadka kala dhaxeeya maamulada u hogaansan nidaamka federaalka, halka ay gebi ahaanba meesha ka baxday gacan ku haynta maamulka gooni goosaadka ah ee Somaliland.