Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo Lafta Gareen oo saaka ku wajahan Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka diyaar garowgii ugu dambeeyey uu ka socdo magaaladaasi, kaas oo ku aadan shirka madaxda maamul goboleedyada oo maanta ka dhacaya halkaasi.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu furmo gelinka dambe ee maanta, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyey.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay Dhuusamareeb gaaraan madaxweynayaasha Siciid Deni, Axmed Madoobe, iyo Lafta Gareen oo qeyb ka ah shirkaasi, waxaana horey Dhuusamareeb u tegay madaxweynaha HirShabelle.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka dowladda dhexe kala dhexeeyo maamullada qaar.

Waxaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa sida uu ku suurageli karo shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo horey u baaqday.

Gabagabada shirkan waxaa la filayaa in war-murtiyeed laga soo saaro, kaa soo ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadli doonaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Galmudug laga soo qaaday ciidamada Haramcad ee ku sugnaa Dhuusamareeb, kadib dalab ka yimid madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo uu weli khilaaf culus kala dheceeyo dowladda.