Mustaf Dhuxulow: Waan ku faraxsanahay in Galmudug noqoto gogoshii umadda

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaan ahaan Galmudug, haatana ka mid ah Xildhibaanada jooga magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Galmudug ay tahay gigoshii umadda Soomaaliyeed.

Mustaf Dhuxulow ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay in Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ay gaarto maqam sare oo lagu soo hirto, waxa uuna sheegay in 7 bil ka hor Dhuusamareeb aysan sidaan marti qaad u samayn karin.

“Waxaan aad  ugu faraxsanahay gogosha taalo Dhuusamareeb, oo maamul Goboleedyada lagu marti qaaday, in Galmnudug ay Noqoto Gogoshii Umada Soomaaliyeed waqti badan ayay qaadatay ugu danbyn waa lagu guulestay,” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo ah xildhibaanadii waqtiga u huray dhismaha Galmudug.

Sidoo kale Dhuxulow ayaa ka mid ahaa Xildhibaano maalmo ka hortagay magaalada Dhuusamareeb, si xal nabadeed looga gaaro gogosha taalo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii waqtiga badan galiyay dhismaha Galmudug Xiligii Dowladii Madaxweyne Xasan sheekh, waxaana lagu Xasuustaa Mustaf Dhuxulow, Mahad Maxamed Salaad, C/raxmaan Odowaa iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo noqday madaxweynaha Galmudug in magaalada Cadaado oo xiligaas ay ku shaqaynaysay Dowladii Galmudug ee Xiligaas jirtay in ay Bilooyin fadhiyeen si ay halkaas uga soo saaraan maamul Galmudug oo loo dhanyahay oo lagu midaysan yahay, Walow markii danbe ay ku guuleesteen dadaalkoodii ahaa Galmudug oo mid ah.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com
Tel: +254-711830393