Xog: Muuse Suudi iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo dood kulul ay dhaxmartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, oo ah ugaaska beelaha Mudullood ayaa habeen hore waxaa dhaxmray dood kulul oo sababtay caro badan.

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Senator Muuse Suudi uu Ugaaska ku eedeeyay in uusan dhex dhexaad ka aheyn shirka Mudullood islamarkaana uu ku xiran yahay Villa Somalia.

“Senator Muuse waa carrooday waliba si xun, Ugaaska ayuu ku eedeeyay inuu ku xiranyahay Madaxtooyada oo diidan shirkaan dano gaar ahna u baajiyay shirka, waxa uu ahaa hadal kulul,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii goob joogga ahaa markii dooddan ay dhacday.

“Waxaan ogahay dad uu kamid yahay ugaaska in dano gaar ah oo dabada ka riixeyso Villa Somalia u diidan yihiin shirka Mudullood” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xalay ay sidoo kale dhaceen kulamo gaar gaar ah oo arrintaan ku saabsan kuwaas oo ay warar hordhac ah sheegayaan in is Afgarad laga gaaray.