Saraakiisha dowlada Yemen ee Sacuudiga uu taageero oo ku xirtay Turkiga iyo Riyadh oo tallaabo qaaday

Riyadh (Caasimada Online) – Xulufadda Sucuudigu hogaamiyo ayaa la sheegay in ay xayiraad kusoo rogeen dhaq-dhaqaaqa saraakiil Yemen u dhashay oo ka tirsan Dowladda Cabdurabbi Mansoor Hadi, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Yemen.

Sida ay wakaaladdu sheegtay, ilo-wareed ka tirsan hay’adda duulista rayidka ah ee garoonka diyaaradaha Caden ayaa shaaaca ka qaaday in xulufaddu ay adkaaneyso wadiiqada socdaalka ee dadka ka baxaya Yemen iyo kuwa imanaya.

Talaabooyinkaan waxaa ujeedkoodu yahay in lagu raad-raaco duulimaadyada saraakiil ka tirsan Dowladda Haadi ee isaga safra Caden, Turkiga iyo Qatar iyadoo uu jiro walaac ah in saraakiil ka tirsan xukuumadda ay Hadi ay si qarsoodi ah xulufo ula sameysanayaan Turkiga.

Xayiraadahaani waxaa ay yimaadeen iyadoo la faafiyay war sheegaya in Turkigu uu doonayo in uu lug ku yeesho Yemen isagoo kaashanaya saraakiil safaro ku martay Caden, Qaahira, Dooxa iyo Istanbul.

Warbaahin uu maal-geliyo Imaaraadk Carabta ayaa warisay in Turkigu uu farogelinayo Yemen, isagoo taageeraya sixbiga Islaax, oo loo arko in uu xubin ka yahay Ikhaawanul Muslimiinka, in kastoo uu arrintaas xisbigu dafiray. Si kastaba Turkigu waxaa dhowaan uu ku dhawaaqay in uu hogaamin doono howlgal burcadda uu kala dagaalama Gacanka Caden.

Horaantii bishaan, ayaa sidoo kale la wariyay in Sacuudigu uu bilaabay in uu saraakiisha Haadi ka saaro hoteeladda islamarkaana uu dejiyo guryo raqiis ah. Bartamihii May, ayaa loo sheegay saraakiil Yemen u dhashay in ay faarujiyaan hoteeladda maadaama ay Dowladda Sacuudigu dhaqaale ahaan awoodin ay bixiso kharashka hoteeladda ay deganyihiin.