Shacabka Imaaraadka oo billaabay kacdoon ka dhan ah xiriirka lala yeeshay Israel

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dibad-baxayaal carreysan oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo kasoo horjeeda xiriirka dalkooda uu la sameystay Imaaraadka Carabta, ayaa aas-aasay urur iska caabin, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency.

Ururkan oo ay aas-aasen rag ka mid ah mucaaradka Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan Saeed Nasser Al-Taniji, Saeed Khadim Bin Touq Al-Mari, Ahmad Al-Shaybah, Hamid Abdullah Al-Nuaymi, Hamad Mohammed Al-Shamesi iyo Ibrahim Mahmoud Al-e Haram ayaa loogu magac-dray Midowga Iska-caabinta Caadiyeynta Xiriirka Israel ee Imaaraadka Carabta.

Bayaan ay soo saareen ayey aas-aasayaasha ururka waxay isku dayga Imaaraadka Carabta uu xiriir kula yeeshay Israel ku qeexeen “qiyaameyn qaran”, waxayna intaas ku dareen in tallaabooyinka ay sharciyeynayaan qabsashada Israel ee dhulalka Falastiiniyiinta.

13-kii August, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis ay ka shaqeysay Washington oo dhex-maray Imaraaadka Carabta iyo Israel.

Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu baajinayey goosashada Daanta Galbeed ee ay Israel qorsheysay, hase yeeshee dadka diidan heshiiska ayaa sheegay in caadiyeynta xiriirka laga shaqeynayey muddo sanado ah, ayada oo saraakiil Isra’aaliyiin ah ay booqanayeen Imaraaadka, kana qeyb galayeen shirar.

Netanyahu ayaa toddobaadkii tegay shaaciyey in goosashada Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin, taasi oo burineysa sheegashada Imaaraadka Carabta.

Ururka cusub ee la sameeyey ayaa ujeedkiisa uu yahay inay matalaa shacabka Imaaraadka Carabta ee diidan xiriirka Israel, sarena u qaadaan ka warqabka halista xiriirka, lana taageeto qadiyadda Falastiiniyiinta.