DF Somalia oo Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay inay ku howl-galaan ciidanka dowladda.

Gaadiidkan oo gaaray illaa 12 baabuur ayaa waxaa loogu tala-galay inay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor gaar ahaan guutada saddexaad, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda difaaca ee xukuumadda Ankara.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaadiidkaasi loo gacan geliyey 22-kii bisha August taliyaha ciidanka Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage.

Baabuurtan ayaa ah kuwa loo adeegsado dhulka aad u adag, waxaana loo adeegsan doonaa howl-gallada Milatari ee ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Turkiga ayaa Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaa ciidamada, waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo haatan wajaheyso xaalado amni oo dalka ka jira ayaa dhanka kale isku diyaarineyso howl-gallo cusub oo ka bilaabban doono guud ahaan Soomaaliya.