24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Qoor Qoor, Waare iyo Lafta Gareen oo jawaab kasoo saaray go’aaanadii kasoo baxay Deni iyo A/Madoobe

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hir-shabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray shirkii magaalada Garowe ugu soo gaba-gaboobay madaxweynayaasha Puntland Iyo Jubbaland.

War-saxaafadeedkan ayey seddaxda madaxweyne ku taageereen shirkii Garowe ka dhacay ee u dhaxeeyey Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxayna qoraalkooda ku soo koobeen shan qodob oo kala ah.

1 –Madaxweynayaashu waxay soo dhaweynayaan shirkii wadatashiga ee Puntland iyo Jubbaland ee ka dhacay Garowe 25-kii illaa 26-kii bishan, waxayna bogaadinayaan inay labada dowladood ogolaadeen inay taladooda ku soo biiriyaan habsami u socodkii iyo go’aanadii shirkii Dhuusamareeb-3.

2 –Madaxdu waxay soo dhaweynayaan shir ay yeeshaan dowladda federaalka iyo labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland, si loo dhameeyo wixii is faham darro ah ee jira, si loo ambaqaado u diyaar-garow doorasho ku dhacda waqtigeeda.

3 –Hir-shabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed waxay diyaar u yihiin inay ku biiritaan fekradahooda iyo dadaalkooda juhdi kasta oo lagu gaarayo is faham taam ah iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

4 –Madaxdu waxay uga mahad celinayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed taageerada iyo dhiiragelinta ay la garab taaganyihiin madaxdooda, si xal waara loogu helo arrimaha taagan.

5 –Madaxdu waxay uga mahad celinayaan xubnaha beesha caalamka ka taageeridda umadda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, arrimaha bulshada iyo horumarka.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60