Sidee koox British ah usoo daysay muwaadiniintii ay dowladdoodu yastay ee lagu haystay Soomaaliya?

London (Caasimada Online) – Koox British ah ayaa gacan ka gaystay in la sii daayo saddex muwaadin oo Iranian ah oo muddo sanado ah ay haysteen burcad badeedda Soomaaliya.

Heshiiska lagu sii daayey bad-maaxiyiintan toddobaadkii tegay ayaa ku kacay madax furasho 180 milyan oo dollar ah oo ay fududeysay kooxda British-ka ah ee Hostage Support Partnership – oo kaashaneysa diblomaasi hore oo British ah oo fadhigiisu yahay Kenya John Steed, iyo Leslie Edwards oo ah gabar ku taqasustay wada-xaajoodka la-hastayaasha oo ku sugan UK.

“Tani waxay soo geba-gebeysay waagii burcad-badeednimada Soomaaliyeed iyo xanuunka iyo silica la-hastayaashii la hilmaamay ee Soomaaliya,” ayuu yiri Steed.

Sideed bad-maaxayaal Iranian ah oo saarnaa doonta Siraj ayaa xeebaha Soomaaliya laga qabsaday bishii March 2018.

Shan ka mid ah ayaa lasii daayey2018 – Mid ka mid ah Mohammed Jefrrey ayaa aad u nafaqo darroobay heer uu ekaaday canug ku dhashay dhicis oo kale. Bad-maaxayaasha ayaa sheegay in loola dhaqmay sida ariga oo kale.

Hay’adda Hostage Support Partnership ayaa muddo sanado ah la macaamileysay burcad badeedda Soomaaliya. Tan iyo 2013 waxay gacan ka gaysatay wada-xaajood lagu sii daayey shaqaalaha saddex Markab oo dadkii saarnaa aysan haysan caymis.

Milkiilayaasha Markabka Siraj ayaa la rumeysan yahay inaysan shaqaalahooda gelin caymis, sidaas darteed ay awoodi waayeen inay gacan ka gaystaan in lasii daayo.

Lacagta 180,000 ee dollar ah ee lagu sii daayey saddexda bad-maax ee Iranian-ka ah ayaa aad uga yar middii ay marka hore coddadeen burcad badeedda Soomaaliya, waxaana bixiyey oo iska soo ururiyey shirkadaha maraakiibta Iran.

Wada-xaajoodka ayaa ahaa mid adag oo muddo qaatay sababo la xiriira kooxoa ku jirtay oo raadinayey caddeymo nololeed oo ay dalbadeedn diblomaasiyiinta Iran.

Hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in sababta dheereysay wada-xaajoodka ay tahay mas’uuliyiinta sare ee Tehran oo ka cago jiidayey, sababtoo ah saddexda qof ee la haystay ayaa kasoo jeeday qowmiyadda laga yaso Iran ee Baluchi.

Dadka kasoo jeeda qowmiyadda Baluchi ayaa Iran looga yaqaan “muwaadiniin heerka labaad ah”, (Second Class Citizens), waana taas in ay qaadatay shan sano iyo bar in lasoo daayo.