Safiirka Shiinaha ee Somalia oo digniin culus soo saaray

Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa mar kale ka digay xiriirka ay dowladda Taiwan la yeelatay maamulka Somaliland, ayada oo labadan gobol ee ka kala tirsan Shiinaha iyo Soomaaliya ay dalal isku aqoonsadeen.

Taiwan ayaa xiriir diblumaasiyadeed oo noociisu cusub yahay la sameysatay Somaliland, xili ay dowladda federaalku ay ku tilmaamtay ‘xad-gudub’ ka dhan ah qaranimada.

Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa isku raacsan in xiriirkaasi uu yahay mid aan saxneyn, maadama Taiwan iyo Somaliland ay ku doodayaan inay qeyb ka yihiin dhulalkooda.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian ayaa markale ku celiyay in Taiwan tahay dhul ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha, isla markaana aysan xaq u laheyn inay u dhaqanto sida dal madax-banaan.

Amb. Qin Jian ayaa sheegay inaysan marnaba ogolayn inay lumiyaan Taako keliya oo ka mid ah dhulkooda Shiinaha, maadama uu Taiwan u aqoonsan-yahay inay tahay Jasiirad kamida dhulweynihiisa.

“Waxaanu la saaxiibnaa dalalka dunida Annaga oo dhaqaalahayaga ku horumarinayna. Ma lumin karno in yar oo ka mid ah dhul-weynaha China,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Taiwan waxay ka tirsanayd China illaa wakhtiyadii hore. 71 sannadood ka hor China wuxuu geeyay 35 Milyan oo ruux, waxaana laga aasaasay China cusub”.

Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa ugu horeyntiiba waxa meel adag iska taagay Shiinaha iyo Soomaaliya, taasi oo u muuqata in xiisada ka dhalatay xiriirkaasi ay markale cirka isku sii shareerayso, maadama ay Taiwan si rasmi ah xafiiskeedii uga furatay Hargeysa, iyada oo uu diidan yahay Shiinuhu.