Maxay tahay doodda ka dhalatay xil la wareegista ra’iisul wasaare Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu shalay xilka la wareegay ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa isa soo taraya dhaliilaha dul hooganaya hanaanka uu xilka kula wareegay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa shalay xilka kala wareegay Sii-hayaha ra’iisal wasaaraha, Mahdi Guuleed, xili uu caasimada dalka ku sugan yahay ra’iisal wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in tallaabada uu Rooble xilka kala wareegay Mahdi inay tahay mid gebi ahaanba baalmarsan sharciga, iyada oo markii horeba dood ay ka taagneyd sifaha loogu igmaday xilka sii-hayaha.

Waxaana la iska indho tiray dalab la sheegay in Kheyre uu ku rabo inuu ra’iisal wasaare Rooble ugu wareejiyo xilka, si uu hore ugusii ambo-qaado shaqada qaranka.

Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ayaa qaabka uu xilka ula wareegay ra’iisal wasaare Rooble, ku tilmaamay mid dab kusii shidaysa xaalada huursan ee dalka, oo lagu gees maray dastuurka KMG ah ee dalka.

Waxay sidoo kale in xilka dusha laga saaray Mahdi Guuleed mudada ka badan 50-maalmood ay tahay ku tumasho sharci iyo jabin dastuuri.

Si kastaba, mucaaradka qaar ayaa sheegay in Kheyre lagu sameeyey wixii uu horey u sameeyey, ayaga oo tusaale usoo qaatay in wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre uu xilka kala wareegay sii-haye, ayada oo uu joogay wasiirkii xilka laga qaaday, taasi oo ay sheegeen in Kheyre uu raali ka ahaa.