R/W Rooble oo shaaciyey barnaamijka xukuumadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka hor hadlayey golaha shacabka oo meel-mariyey golihiisa wasiirada cusub ayaa shaaciyey barnaamijka xukuumaddiisa oo heysata wax ka yar afar bilood.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka, meel-marinta golihiisa wasiirada ee uu ku dhowaaqay todobaadkii la soo dhaafay.

Rooble ayaa sheegay inuu marka hore xooga saari doono dardar-gelinta howlaha doorashooyinka 2020/2021 iyo sidoo kale sugida ammaanka guud ee dalka.

Doorashooyinka ayuu tilmaamay inay saldhig u noqon doonaan qodobadii ka soo baxay shirarkii Dhuusamabeeb & heshiiskii Muqdisho ay sii amba-qaadi doonto xukuumadiisa.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey inay xukuumaddu ka shaqeyn doonto arrimaha dhab u heshiisiinta, xakameynta cudurka Covid-19, horumarinta cadaaladda, dowlad wanaaga, la-dagaalanka musuq-maasuqa, kobcinta dhaqaalahaiyo kor dhinta adega bulshada.

Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa inuu xooga saari doono ka shaqeynta arrimaha xuquuqul-insaanka, gaar ahaan ka hortagga tacadiyada dumarka & caruurta.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorashada soo socota oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha oo ay ku loolami doonaan musharraxiin fara badan.