Daawo: Guddoomiye Xaliimo Yarey ‘oo towbad keentay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madax-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ku dhawaaqday iney towbad keentay.

Xaliimo Yarey ayaa laba maalmood kahor sheegtay hadal ay culimada ku sheegeen mid lagu beeniyey aayad qur’aan ah ayada oo sheegtay in bini’aadamku “uu isku mid yahay, ragga iyo dumarkuna aysan waxaba is dheereyn oo Xaawo iyo Aadan isku si loo abuuray, oo aysan jirin in Xaawa laga abuurtat feerta Nebi Aadan CS.”

Muuqaal ay soo duubtay maanta oo ay ku towbad keentay ayey gudoomiye Xaliimo Yareey waxey ku sheegtay iney tahay qof Muslimnimada ay dhab ka tahay, isalmarkaana wixii gaf ka dhacay ay alle SWT uga towbad keentay, qof walba oo ugu gafay hadalkeediina ay cafisay.

“Bismillaah, waxaan salaamayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan, waxaan cadeynaa anigoo ah Xaliimo Ismaaciil Ibraahim inaan ahay  qof Muslim khaalis ah, waxaan qof aaminsan alle, rumeysanna rasuulkiisa, hadalkii aan maalin dhaweyd jeediyay wixii gaf ahaa oo ku jiray ilaahey ayaan uga towbad keenay,” ayey tiri Gudoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Xaliimo Yareey.

“In allaale intii igu gaftay alle ayaan cafis u weydiinaa, anigana cafis ayey iga yahiin, intii ii naseexeysayna waxaan alle uga baryayaa Ajar iyo Xasanaad,” ayey sii raacisay.

Hadalka kasoo yeeray Xaliimo Yareey wakhtigaas waxaa kasoo hadlay Sheekh Cali Wajiis oo ugu yeeray inay ka towbad keento, maadaama ay beenisay Aayad Qur’aan ah, “Arrintaas waxay inkirmaad cad ku tahay Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis saxiix ah” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

“Ilaahey SWC markuu nooga waramaayey abuuritaankii Aadan iyo Xaawo, waxuu noo sheegay in Xaawo uu ka abuuray feerta Aadan, basharka/dadka oo dhana uu ka farcansiiyey Aadan iyo Xaawo,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in Aayad Qur’aan ah ay ku soo aroortay in haweenku guryahooda joogaan, isagoo ku macneeyey laba arrin oo kala ah, 1-gabadhu inay nasato, maadaama ay tahay wershad soo saarta dad nool 2-Inay ilaaliso xaqa ay koriinada u leeyihiin caruurteeda.

Ugu dambeyntii muuqaalka laga duubay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yareey” ayaa hadal wanaagsan ka dhaliyay baraha bulshada iyadoo dadka ay ka dhiibteen aragti fiican.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA XALIIMO YAREEY