Xog: Qodob muhiim ah oo laga reebay bayaankii shirka Garowe kadib faro-gelinta DF

Garowe (Caasimadda Online) – Magaalada Garowe waxaa shalay lagu soo afjaray shirkii mudada yar ka socday halkaas oo ay soo qabanqaabiyeen machadka Heritage, balse bayaankii kasoo baxay shirkaas waxaa la sheegay in qodob muhiim ah aan lagu darin.

Ilo madax bannaan ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxdii shirka ka qeyb gashay ee masuulka ka ahaa dowladda dhexe ay ka biyo diideen gabi ahaanba in war-murtiyeedka shirka lagu daro in shir ay isugu yimaaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada si looga arinsado khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka iyo waxyaaba kale.

Arintaasi waxey sababtay in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu si cod dheer ah ugu baaqo in la isugu yimaado mar kale shirweyne looga arrinsanayo waxyaabaha jira isla markaana lagu xalinayo khilaafaadka jira.

Waxyaabaha la isku soo hadal qaaday balse ay dowladda ka biyo diiday waxaa ka mid ah in wax laga badalo guddiyada doorashada, xulista xubnaha Baarlamaanka ee Somaliland, deegaan doorashooyinka iyo arrinka gobolka Gedo, walow la warinayo in dowladda dhexe iyo Jubbaland ay isku raaceen in qaab farsamo ah loo xaliyo arinka gobolkaas.

Inkastoo wakiiladii caalamka ee ka qeyb galay shirkii Somali Partnership ee Muqdisho ka dhacay sanadkii tagay ay ku baaqeen in si is-ogol ah lagu dhameeyo wax walba oo jira laga arrinsado xal u helidda arrimaha doorashooyinka hadana waxaad moodaa in dowladda dhexe ay ku adkeysaneyso go’aamadii ay horay u gaartay.

Wali lagama heshiin mana lagu wada qanacsana guddiga doorashada oo ay dowladda magacowday, waxeyna midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha ku baaqeen in wax walba la waafajiyo dastuurka dalka isla markaana guddiga la magacaabay aysan aheyn wax loo qaateen ah.

Arrimaha doorashooyinka wali waxey u muuqdaan kuwa cakiran, dowladda mowqifkeeda wali wey ku adkeysaneysaa halka saamileyda siyaasadda Soomaalida aysan ku raacsaneyn intooda badan, waxaana isha lagu hayaa halka uu xaalka saldhigan doono bilaha soo soda.